About Us

SFP Logo

SOMALI FREE PIPS

Your Trusted Partner in Financial Markets.

Taariikhda & Aasaaska

Somali Free Pips (SFP) waxaa la aasaasay sanadkii 2021, iyadoo ujeedkeedu yahay in ay bulshada Soomaaliyeed iyo tan Bariga Afrika ka caawiso kobcinta dhaqaalahooda. Waxaan ku bilownay koox yar oo khubaro ku ah suuqyada maaliyadda, maantana waxaan isku bedelnay shirkad lagu kalsoon yahay oo maamusha hanti aad u tiro badan, anagoo u taagan daahfurnaan iyo guul wadajir ah.

Maxaan Ka Ganacsannaa?

SFP waxay si toos ah uga ganacsataa suuqyada caalamiga ah ee ugu waaweyn (Global Financial Markets). Ganacsigeenu wuxuu salka ku hayaa falanqeyn qoto dheer iyo isticmaalka xeelado casri ah oo hoos u dhigaya khatarta (Risk Management). Waxaan si gaar ah diiradda u saarnaa:

Faa'iidooyinka Maalgashiga SFP

Doorashada aad na dooratay maahan oo kaliya in aad lacag gelisay, balse waa safar aad ku dhiseyso dhaqaalahaaga mustaqbalka:

Nabadgelyo

Hantidaadu waxay ku jirtaa gacmo aamin ah oo isticmaalaya "Risk Management" adag.

Cadaalad

Qeybsiga faa'iidada waa mid cad (70/30). Wax qarsoon ma jiraan.

Kobac

Macaash joogto ah oo ku dhisan xaqiiqada suuqa caalamka, si lacagtaadu ushaqeyso adigoo hurda.

Guusha & Hiigsiga

Guusha Somali Free Pips waxay ku qotontaa guusha maalgashadeyaasheena. Illaa iyo hadda waxaan si guul leh u soo saarnay macaash aad u sarreeya oo joogto ah, anagoo ka badbaadnay is-bedbedelka xun ee suuqyada. Hiigsigeenu (Vision) waa in aan noqono shirkadda ugu weyn uguna aaminan dhinaca maalgashiga xorta ah ee geeska Afrika, iyo in aan dadkeena barno dhaqanka ah "In Lacagtaadu Kuu Shaqeyso".